Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo hay'ado codsaday hal bilyan oo gargaar ah


Dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ayaa dalbaday in in loogu deeqo Soomaaliya lacag ka badan 1 bilyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah.

Waxa ay sheegeen in lacagtan lagu gargaarayo Soomaali dhan 3 milyan iyo 400 kun oo u baahan gargaar bani’aadminnimo sannadkan 2019-ka.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen inay hoos u dhaceen dadka u baahan gargaarka bani’aadminnimo marka loo eego sannadkii hore hase yeeshee waxay ka digeen in colaadaha sii socda iyo isbeddellada cimilada ay xaaladda uga sii dari karaan.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa baaqan ka waraystay Xamse Siciid Xamse oo ah wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dawladda federaalka.

Somalia iyo hay'ado codsaday hal bilyan oo gargaar ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00

XS
SM
MD
LG