Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congo oo diiday codsi ka yimid Midowga Afrika


Congo
Congo

Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa ku gacan seertay baaq ka yimid Midowga Afrika oo uu ku doonayo inay hakiso ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashadii madaxweyne ee bishii tagtay ka dhacda dalkaas, ayada oo sheegay in maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ay madax banaan tahay.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in maxkamadda dastuuriga ah ay ka madax banaan tahay dowladda iyo Midowga Afrika labadaba, islamarkaana aysan ahayn shaqada dowladda ama Midowga Afrika inay u sheegaan maxkamadda waxa ay sameyneyso.

Maxkamadda ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo go’aankeeda ku aadan codsi uu musharaxa kaalinta labaad galay ee Martin Fayulu ku dalbaday in codadka dib loo tiriyo isaga oo tuhmaya in lagu shubtay.

Guddiga Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray khamiistii kaga codsaday dowladda dalkaas inay joojiso ku dhawaaqista natiijada kama dambeysta, ayaga oo tuhmaya shakiyo badan oo ku hareereysan codbixinta.

Guddiga doorashada ayaa horey u sheegay in Felix Tshisekedi uu ku guuleystay doorashada, hase yeeshee Fayulu ayaa taas ka hor-yimid una dacwooday maxkamadda sare isaga oo sheegay in Tshisekedi uu heshiis la galay madaxweynaha talada ka degaya Joseph Kabila.

Isbaheyisga mucaaradka ee Fayulu ayaa sheegay maanta inuu helay 61% codadka, ayaga oo soo xiganaya natiijada ay shaacisay kaniisadda Katooliga.

XS
SM
MD
LG