Taniyo markii xubnaha Baarlmaanka Soomaaliya ay u codeeyeen Sharciga u ogolaanaya in qof ajnabi ah uu qaban karo xilka gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka, waxaa soo baxayey kala aragti duwanaasho u saabsan arrinkaasi iyo dareenka bulshada ay ka qabto wax ka bedelka sharcigii Nus-qarni ka badan soo jirey.
Haddaba, muxuu ka dhiganyahay in sharcigan la meelmariyo, maxey na tahay u jeedka wakhtigan kusoo beegtey? Waxaa warbixintan gaar ah ku eegayso Sahra Cabdi Axmed oo la xariirtey Xildhibaanada labada dhinac.