Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar lagu dhaawacay qarax ka dhacay gobolka Bari


Boosaaso

Wararka ka imanaya Puntlamd ayaa sheegaya in qarax miino oo galabnimadii maanta ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taal tuuladda Af-urur ee gobolka Bari uu dhaawac ka soo gaaray saddex askeri oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland.

Waxaa sidoo kale qaraxa uu dhaawac aad u culus kasoo gaaray haweeneydii laheyd meherada uu qaraxu ka dhacay.

Goobjooge ku sugaan tuulada Af-urur ayaa VOA u sheegay in qaraxaasii uu ahaa mid horay loogu aasay meherada docdeeda, isla markaasna uu dhaawac fudud ka soo gaaray askarta dhaawacantay, balse haweeneydii halkaas ku dhaawacantay dhaawaceedu uu cuslaa loola cararay Isbitaalka degmada Carmo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa VOA u sheegay in qaraxaani ahaa mid lagu gaadayo ciidamada ku sugan tuulada Af-urur, balse uusan khasaaro badan u gaysan saddexdaas askari oo firirku gaaray ay ku suganyihiin gudaha tuulada Af-urur.

Sanad ka hor ayey ahayd markii laba qaarax oo waqti yari u dhaxeeyey ay ka dhaceen goob lagu iibiyo qaadka oo ku taal gudha tuula Af-urur kasoo askar iyo shacaba ay ka soo garreen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG