Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyattta ayaa sheegay in weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday dhisme hotel iyo xafiisyo oo ku yaalla magaalada Nairobi uu soo geba-geboobay.
Khudbad uu u jeediyay qaranka, ayaa Kenyatta waxa uu ku sheegay in 14 oo shacab ah lagu dilay weerarkan lagu qaaday dhismaha DusitD2, halka 700 oo qof ay soo bad-baadiyeen ciidamada amniga.
Kenyatta waxa uu sheegay in dhammaan “argagixisadii” ka qeyb qaatay weerarkan “laga taqalusay”
Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay talaadadii in qof Mareykan ah uu ka mid ahaa dadka lagu dilay weerarka, hase yeeshee ma magacaabin dhibanahan. Muwaadin British ah ayaa sidoo kale lagu warramay in weerarka lagu dilay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo galabnimadii talaada ku bilowda qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday albaabka hotelka.
Kaamirooyinka amniga ayaa laga arkay afar nin oo hubeysan oo hotelka-galaya.
Hotelka DusitD2 iyo dukaamada ayaa ku dhex-yaalla dhismaha la weeraray ayaa ah goob caan ah oo ay ka adeegtaan dadka dalxiisayaasha ah ee ka yimaada, Mareykanka, Yurub iyo India.
Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii September ee sanadii 2013 weerartay suuqa Westgate ee Nairobi, halkaasi oo ay ku dishay 67 qof.