Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Kama tanaasuli doono dhismaha darbiga


Donald Trump
Donald Trump

Inkasta oo dadka Mareykanka badankood ay madaxweynaha Mareykanka ku eedeeyeen inuu mas’uul ka yahay hakadka ku jira qeybo ka mid ah howlaha dowladda, ayaa Donald Trump waxa uu beeraleyda Mareykanka u sheegay in xisbiga mucaaradka ee dimoqraadiga kaligood ay mas’uul ka yihiin arrintan.

Trump oo ka hadlay kulanka qaranka ee beeraleyda Mareykanka oo ka dhacay magaalada New Orleans ayaa sheegay in dimoqraadiga aysan dooneyn inay ansixiyaan tallaabooyinka loo baahan yahay si Mareykanka looga dhigo dal ammaan ah.

Trump ayaa ku dooday in darbi xooggan oo xuduuda laga dhiso oo kaliya uu ka hor-tagi karo in muhaajiriinta sharci-darrada ah ay soo galaan dalka Mareykanka.

“Marnaba kama tanaasuli doono dadaallada aan Mareykanka uga dhigayo meel nabdoon” ayuu Trump wacad ku maray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dimoqraadiga ay u diidayaan inay lacag u ansixiyaan dhismaha darbiga ah tahay ayaga oo doonaya in arrintan ay u adeegsadaan ololaha doorashada madaxweyne ee sanadka dambe, markaasi oo Trump uu wajahayo dib u doorasho.

XS
SM
MD
LG