Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo oo Wajahaya Dacwad Kufsi


Ronaldo
Ronaldo

Booliska gobolka Nevada ee dalkaan Mareykanka ayaa si rasmi ah u weydiistay booliska dalka Talyaaniga in uu tijaabada hidasidaha loo yaqaano DNA ka qaado xidiga kooxda Juventus iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo.

Codsiga booliska ayaa qeyb ka ah baaritaan ku saabsan kufsi ay haweeneey Mareykanka ku eedeysay inuu Ronaldo ku kufsaday magaalada Las Vegas 10 sannadood ka hor.

Arrinta kufsiga ayaa soo shaac-baxday bishii September ee sannadki 2018 kaddib marki Kathryn Mayorga ay Ronaldo ka dacweysay maxkamadda Clark County ee gobolka Nevada, iyada oo ku eedeysay inuu ku kufsaday qol ku yaalla magaalada Las Vegas.

Haweenedaan ayaa sheegtay in Ronaldo uu siiyay kufsiga kadib lacag dhan $375,000 si uu u aamusiyo.

Qareennada Mayorga ayaa sheegay bishii September in ay gabadhani hadda dooneyso lacag $200,000 oo magdhaw dhinaca sumcadeedda ah.
Ronaldo waa uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay.

XS
SM
MD
LG