Laba saxafi oo u shaqeeya wakaalada wararka Reuters oo ku xiran dalka Myanmar, ayaa maanta ku guuldarreystay racfaan ay ka qaateen xabsi 7 sana ah oo ay horay loogu xakumay.
Wa Lone iyo Kyaw Soe Oo, ayaa la xiray bishii December ee sannadki 2017 kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen sirta dowladda Myanmar.
Garsooraha maxkamadda sare ee Myanmar Aung Naing ayaa sheegay, in qareennada wariyaasha aysan soo bandhigin caddeymo ku filan in saxafiyiintani barri ka yihiin waxa lagu soo eedeeyay.
Labada wariye ayaa xarigooda ku sheegay shirqool ay soo maleegeen booliska, kaasoo beey yiraahdeen lagu rabay in lagu daboolo warbixinno ay ka diyaariyeen gaboodfalladii dalka Myanmar loogu geystay dadka Muslimka ah ee laga tirada badanyahay ee kasoo jeeda qoowmiyadda Rohingya.
Tifaftiraha wakaalada wararka Reuters Stephen Adler ayaa sheegay in wariyaashani ay u xiranyihiin kaliyah hal sabab oo ah, madaxda Myanmar oo raba in ay runta aamusiyaan.