Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saciid Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland


Saciid Deni
Saciid Deni

Saciid Cabdullahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni ayaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland.

Saciid Deni ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha Puntland, oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe, waxa uu kaga adkaaday Asad Cismaan Diyaano.

Deni ayaa helay codadka 35 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Puntland, halka Asad uu ka helay 31 cod.

Waxa uu beddeli doonaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku haray wareegga koowaad ee doorashada, isaga oo helay kaliya sideed cod.

Saciid Deni ayaa horey usoo noqday wasiirka qorsheynta Soomaaliya, xilligii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariyaha VOA-da Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan Garowe ka soo diray.

Puntland oo dooratay madaxweyne cusub
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:29 0:00

XS
SM
MD
LG