Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo Deeq Waxbarasho ka Heley Jaamacada Yale


Ayaanle Nuur, oo ah Wiil 17 sano jir ah, oo qaxootinimo dalkan Mareykanka ay waalidiintiis kusoo galeen ayaa ka helay deeq Waxbarasho Jaamacadda Yale oo ka mid ah Jaamacaddaha ugu sareeyo dalkan Mareykanka. Ayaanle, oo Baranayo Caafmaadka ayaa Waalidkiis iyo macalimiintiisaba aad ula dhaceen heerka uu gaarey.

Gudoomiyaha magaalada Denver, ee gobolka Colorado, Michael Hancock, ayaa ku casuumay shaley xafiiskiisa Ayaanle iyo Reerkooda si uu ugu hambalyeeyo horumarka uu ka gaarey waxbarashada iyo sida uu tusaalaha fiican ugu yahay ardeyda la mid ah iyo kuwa dalkaan waalidkood ay qaxootinimada kusoo galeen.

Ayaanle oo dalkan Mareykanka ku dhashey, Luuqada Somaliga si fiican uguma hadlikari. Hooyadiis Indonesia Osman Maye ayaa uga warantey Sahra Cabdi Axmed waxey uga dhigan-tahay in Wiilkeeda Ayaanle uu heerkaan gaaro?

Ardey Somali ah
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00

XS
SM
MD
LG