Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo Jahwareer Ku Billowday Sannadka Cusub


Raphaël Varane, oo jilbaha heysta
Raphaël Varane, oo jilbaha heysta

Kooxda Real Madrid ayaa ku billowday sannadkaan cusub ee 2019-ka madax-wareer kaddib marki ay barbar dhac 2-2- ah kala laabatay garoonka Estadio de la Ceramica halkaas oo ay marti ugu aheyd xalay kooxda Villarreal.

Kooxda Villarreal waxaa daqiiqadii afraad hogaanka ciyaarta u dhiibay laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Santi Cazorla, laakin saddex daqiiqo kaddib hogaamiyaasha kubadda cagta Yurub jawaab ayay ka bixisay, ka gadaal marki uu goolka bareejada u saxiixay Karim Benzema.

Daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta ayay Real mar kale keeneen gool uu u dhaliyay Raphael Varane. Hase yeeshee waxaa guushaasi Real u diiday laacibki hore ee kooxda Arsenal Cazorla oo isagu dhaliyay goolka niyadda ka jebiyay tababaraha Real Madrid ee barbaraha.

Laacibkaan u dhashay dalka Spain ayaa garoonada uga maqnaa dhaawac xun oo jilibka ka gaaray muddo laba sana ah. 34 jirkaan ayaa u muuqday muddadi uu dhaawaca ku maqnaa mid ka quustay ciyaaraha, balse hadda dib ayuu uga soo iftiimay fagaarayaasha kubadda cagta.

Natiijadaasi waxay Real uga dhigantahay in ay 7 dhibcood ka hooseyso hogaamiyaasha horyaalka ee Barcelona. Waxana ay Real Madrid hadda ku jirtaa kaalinta afraad.

Halka Villareal ay ku jirto kaalinta 17-aad ee qeybaha hoose ee horyaalka La Liga.

XS
SM
MD
LG