In ka badan 70% dacwadaha ay qaadaan maxkamadaha Muqdisho waxay ku saabsan yihiin murannada dhulka, sida ay VOA u sheegeen garsoorayaal iyo sharciyaqaano.
Sharciyada guryaha iyo dhulka aan ahayn kuwa dawladda waxaa intooda badan haya dad Soomaaliyeed oo iskood isku xilqaamay, isla markaana badbaadiyey dokumentiyadaasi xilligii ay burburtay dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.
Cumar Macalin Xasan “Cumar Tugumbo” oo hore ugu soo shaqeeyey dhul bixinta Soomaaliya waa diiwaan-hayaha sharciyada dhulka iyo guryaha ee Soomaaliya.
Cumar ayaa diiwaanka iyo aqoonta uu u leeyahay ku kala saaraa dadka ku muransan dhulalka ee Muqdisho.
Isagoo ku sugan dalka Sweden oo uu ku nool yahay ayuu Haaruun Macruuf uga warramay sida uu hawshan ku bilaabay.
Facebook Forum