Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan tahay cayrinta Haysom ee Soomaaliya?


Nicholas Haysom
Nicholas Haysom

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom aan laga rabin Soomaaliya isla markaana uusan ka shaqayn karin waddanka.

Dawladda ayaa sheegtay in Mr Haysom uu si ula kac ah u farageliyey arrimaha Soomaaliya.

Haysom ayaa dhowaan qoray warqad uu kaga dalbanayo dawladda inay u kala caddayso in ciidamada amniga Soomaaliya ee ay Qaramada Midoobay taageerto ay ku lug lahaayeen toogashadii ka dhacay magaalada Baydhaba xilligii ay dhacayeen bannaanbaxyada bishii hore.

Sidoo kale waxa uu weydiiyey dawladda inay sharraxdo sharciyadda ay u adeegsatay xiritaanka Mukhtaar Roobow. Haddaba sidee ayaa loo fasiran karaa tallaabadan?

Jaamac Buulle Jaamac ayaa arrimahan ka waraystay Xasan Kaynaan oo muddo ka badan 30 sano usoo shaqeeyey Qaramada Midoobay haatanna ah falanqeeye madaxbannaan.

Maxay ka dhigan tahay cayrinta Haysom ee Soomaaliya?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:36 0:00

XS
SM
MD
LG