Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS: Hayson Wadanka Lagama Rabo, Kamana Shaqeyn karo


Nicholas Haysom
Nicholas Haysom

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku eedeysay inuu jabiyay hab maamuuskii ku habboonaa xafiiska QM ee Soomaaliya isla markaana uu farageliyay arrimaha madaxbanaanida Soomaaliya.

Nicholas Hayom ayaa shalay soo saaray warqad haddalo kulul ay ku qoran yihiin oo u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda, taasi oo uu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay Baydhaba.

Haysom waxa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.

XS
SM
MD
LG