Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan tahay warqaddii uu Haysom u diray dowladda Soomaaliya?


Nicholas Haysom

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay faahfaahin ka bixiso qulqulatooyinkii siyaasadeed ee ka dhacay magaalada Baydhabo intii u dhaxeysay 13-kii iyo 15-kii bishii dhamaatay ee December iyo qaabkii loo maareeyay.

Qoraalkan oo ku socoday wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayuu Heysom kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow, iyo dad Dibadbaxayay oo Baydhabo lagu xirxiray.

Warqaddan iyo waxa ay ka dhigantahay, iyo qaabka loo maareeyo saraakiisha Al-Shabaab ka soo baxa ee dowladda isu soo dhiibo sida Roobow oo kale, ayaa wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle uu ka wareystay Xuseen Macalin Maxamud, la-taliyihii dhinaca amniga ee xukumaddii Xassan Sheekh Maxamuud, haatanna ah madaxa xarunta Hiraal Institute oo ka faaloota amniga iyo afkaaraha xagjirnimada.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:19 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG