Taageerayaasha madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku baaqaya is-beddelo dastuur oo u ogolaanaya inuu xukunka sii haysto marka xilligiisa labaad uu dhamaado sanadda 2022.
Taageerayaasha madaxii hore ee militariga Masar, oo bishii March ee 2018 dib loogu doortay madaxweynaha dalkaas, isaga oo helay 97% codadka, ayaa doonaya in baarlamanka uu wax ka beddelo qodob ka mid ah dastuurka oo madaxweynayaasha ku xadidaya kaliya inay xukunka haystaan laba xilli oo isku xiga oo midkiiba uu yahay afar sano.
Faallo axaddii lagu daabacay wargeyska dowladda taageera ee Al-Akhbar ayaa ku rajo muujisay in sanadka 2019 uu “bilow u noqon doono is-beddel siyaasadeed soo daahay” oo xaqiijin doona mustaqbalka Sisi ee xukunka.
Faallada oo uu qoray agaasimaha wargeyska Yasser Rizk, ayaa lagu sheegay in tani “ay ilaalin doonto guulihii shacabka ay garaeen ee xagga amniga, xasiloonida, iyo soo kabashada dhaqaale” tan iyo markii Sisi uu xukunka qabsaday shan sano ka hor.
Waxa uu sheegay in is-beddelka laga yaabo in la meel mariyo xagaaga 2019.
Sisi ayaa sanadii 2013 xukunka waxa uu afgambi milatari uga qabsaday Mohamed Morsi, ka hor inta aan madaxweyne loo dooran sanadkii xigay.