Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland oo saldhiggeedu yahay magaalada Hargaysa ayaa maanta daabacday warbixin ka kooban 44 bog oo ka hadlaysa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Somaliland.
Warbixinta ayaa sheegtay in guud ahaan 35 qof loo xiray ra’yigooda sannadkan 2018-ka kuwaasi oo 28 ka mid ah ay ahayeen saxafiyiin.
Dhinaca kale waxay warbixintu ka hadashay xaaladda dadka barakacayaasha ah, xuquuqda haweenka iyo qodobo kale.
Warbixintan waxaa magaalada Hargaysa nooga soo dirtay Sagal Mustafe Xasan Nuur.