Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoowe: Saraakiisha DFS oo La mamnuucey Xilliga Doorashada


War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaan deegaanada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda Federalka, sida, wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amarro uu uga mamnuucayo Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Federalka Soomaaliya inay Puntland tagaan inta lagu guda jiro xilliga doorashada Madaxtinimada Puntland oo sideedda Bisha January ka dhaceysa Garowe.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaan deegaanada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda Federalka: sida, wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.

Amarakan ay soo saartay Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in garoomada diyaaradaha ee Puntland aan laga soo dajin karin lacago cadaan ah (cash). Haddii la qabtana lala wareegi doono.

Amarkan ayaa sidoo kale Shirkadaha Dayuuradaha faraya inay hey’adaha amniga u soo gudbiyaan liiska rakaabka saaran diyaaradahooda ka hor inta aysan soo gaarin garoomada diyaaradaha Puntland.

Sidoo kale wasaarada Amniga ee Puntland ayaa qoraalkan ay soo saartay ku mamnuucday in shirar siyaasadeedka looga hadlayo doorashada aan lagu qaban karin Growe , iyo in cid aan ruqsad u heysan aysan hub la dhex mari karin Jidadka Garowe.

Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan Garoowe ka soo direy.

Puntland oo mamnuucdey saraakiisha dowladda xilliga doorashada
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:22 0:00

XS
SM
MD
LG