Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Goofgaduud


Wararka ka imaanaya deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Bay ayaa sheegay in dagaal saakay halkaasi ku dhex maray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyada Ururka Al-shabab ay ku dhinteen in ka badan 20 qof 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiiisha ciidamada Koonfur Galbeed ayaa VOA-da u sheegay in dagaladaasi ay kaga dhinteen sideed ka mid ah askartooda sidoo kalena 14 ka mid ah Maleeshiyada Al-shababna ay ku dileen.

Deegaanka Goofgadood oo 30 kilo mitir u jirta magaalada Baydhabo ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo Al-shabab ay ugu yaraan bishiiba mar ay weerar xooggan ku qaado.

Saraakiisha dowladda ee ay VOA-du la hadashay ayaa sheegay in dagaalkii saakay lagu soo qaaday ay iska caabiyeen haatanna ay Goofgaduud Gacanta ku hayaan.

Maxamed Colaad Xasan ayaa faahfaahinta dagaalkaasi ka wareystay wariyaha VOA Mukhtaar Maxamed Catoosh oo Xuddur ku sugan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:28 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG