Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suxufiyiinta oo ku biiray shaqo joojinta Sudan


Koox saxafiyiin ah ayaa ku biiray kooxaha ururada bulshada iyo shaqaalaha rayidka ee dalka Sudan ka wada shaqa joojinta ay ku taageerayaan mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda madaxweyne Cumar al-Bashiir.

Shabakadda Saxafiyiinta Sudan ayaa maanta billaabay saddex maalmood oo shaqo joojin ah. Waxay noqonayaan ururki ugu danbeeyay ee ku biira ururada shaqaalaha Sudan oo iyagu shaqo joojinta ka waday dalkaasi tan iyo 19-ki bishaan December.

Bannaabaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa ku billowday cabasho ay dadka uga cabanayeen qiimo kordhin ay ku sameysay dowladda sicirka rootiga iyo Shidaalka iyo Cuntada oo aad u yaraaday.

Laakin marki ugu horreeysay muddo todobaad ah, maanta oo Khamiis ah dalka Sudan lagam soo sheegin wax mudaaharaad ah. Talaadadi kumanaan ruux ayaa socod ku maray waddada aada madaxtooyada si ay isugu dayaan in ay madaxweyne Al Bashir u geeyaan dhambaal ay ugu sheegeen in uu xilka ka dago.

Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashir ayaa cambaareeyay dibadbaxayaasha, waxana uu ku tilmaamay Khaainul wadaniin u adeegaya danaha dalal ajnabi ah.

XS
SM
MD
LG