Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wax ka bedel ku sameeyey xubnihii guddiga dhaqaalaha iyo dabagalka ee baarlamaanka Soomaaliya, ka gadaal markii uu sheegay in ay ku guuldareysteen dhexdhexaadinta khilaafyo yaaley guddiga dhexdiisa.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska guddomiyaha ayaa lagu sheegay in gudoomiyaha la tashi uu la sameeyey kuxigeenka koowaad, markii uu qaadayey tilaabadan.
Dhinaca kale, waxaa su-aal laga keenay hufnaanta guddigan cusub iyo shaqadooda. Haddaba, Sahra Cabdi Axmed ayaa falanqeynta arinkan ka wareysatey Aadam Mataan oo ah madaxa hay-adda ATM, ee la dagalaanka Qabyaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada London, dalka Ingiriiska.