Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey: Cagta ayaan marin doonnaa Kurdish-ka Syria


Turkey ayaa manata sheegtay inay ka go’an tahay in ay cagta mariso ciidamada Kurdish-ka dalka Suuriya, sida ay qortay wakaaladda wararka AP.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa weriyayaasha u sheegay in “haddii Tukey ay tiraahdo waan galaynaa, waa ay galaysaa”

Toddobaadyadii tagay, Turkey ayaa ku hanjabeysay inay billaabi doonto howlgal cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdishka, oo ayaga oo xulafaysanaya ciidamada Mareykanka ka adkaaday kooxda Daacish ee waqooyiga iyo bariga Syria.

Ankara ayaa ciidamada Kurdish-ka u aragtay argagixiso, sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin kooxaha fallaagada Kurdish-ka ee gudaha dalka Turkiga.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykaka uu ka saarayo Suuriya, kadib markii uu qadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey “ay leedahay awood ay kaligeed wax uga qabato Daacish” waxaana uu cambaareeey France oo sheegtay inay ciidamadeeda kusii hayn doonto Suuriya inkasta oo uu jiro go’aanka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG