Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: 60 arday oo qur'aanka ka qalin jebiyey


Ardayda Soomaalida ee Minnesota
Ardayda Soomaalida ee Minnesota

In ka badan 60 arday oo Soomaali ah oo bartay qur’aanka ayaa ku qalin jebiyey gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ardaydan oo badankoodu ay ku dhasheen dalkan Mareykanka ayaa waxay ka kala socdeen dhowr iyo toban dugsi oo ka tirsan daladda Midowga Dugsiyada Minnesota.

Jaaliyadda Minnesota ayaa wadda dhaqdhaaq sare loogu qaadayo barashada qur’aanka, iyagoo isku dayaya inay ka baaqsadaan in ilmahooda ay dunida muslimka u kaxeeyaan si ay quraan usoo baraan.

Wariyaha VOA Maxamuud Mascadde, ayaa warbixintan ka soo diray Minneapolis.

Minnesota: 60 arday oo qur'aanka ka qalin jebiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00

XS
SM
MD
LG