Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Mareykanka ee Afghanistan oo la sheegay in la dhimayo


Dowladda Afghanistan ayaa hoos u dhigtay muhiimadda qorshe la sheegay in lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee dalkaas, ayada oo sheegtay in ciidamada ammaanka Afghanistan ay awoodaan inay dalkooda ilaaliyaan oo ay difaacaan.

Saraakiisha Washington ayaa lagu warramay inay sheegeen in madaxweyne Trump uu ka fakarayo inuu Afghanistan kasoo saaro bar ka mid ah ciidamada Mareykanka ee gaaray 14,000 ee askari.

Ciidamada Mareykanka ayaa qeyb ka ah howl-galka aan dagaalka ahayn ee NATO oo ka kooban 20,000 oo askari oo howshooda koowaad ay tahay inay tababaraan oo ay la-taliyaan ciidamada Afghanistan ee dagaalka kula jira Daacish iyo Taliban.

La-taliyaha sare ee madaxweynaha Afghanistan, Fazel Fazly ayaa sheegay in dhowr kun oo ciidan oo shaqadoodu ay tahay tababar iyo la-talin oo baxa aysan saameyn doonin ammaanka dalkaas.

Qorshaha Mareykanka ayaa la sheegay ijnuu yahay in 7,000 oo askari ay billaabaan bisha Janaayo inay dalkaas kasoo baxaan, ayada oo inta hartayna ay billaabi doonaan bilaha xiga.

Weli wax war ah oo arrintan ku saabsan kama soo bixin Pentagon-ka iyo taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG