Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mursal oo sheegay in laga laabtay mooshinka Farmaajo


Robot 8.0 Image JPEG Koala.jpeg 2022-05-26 07:11:16
Robot 8.0 Image JPEG Koala.jpeg 2022-05-26 07:11:16

Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in mooshinkii xil ka qaadista ee xildhibaanada kasoo gudbiyeen madaxweyne Farmaajo dib looga noqday.

Qoraal kasoo baxay ayuu Mursal waxa uu ku shaaciyey in dhowr sabab oo isbiirsaday dartood iyo wada-hadallo dhacay ay xildhibaanadii keenay mooshinka ka tanaasuleen.

Arrimaha uu sheegay waxaa ka mid ah in 14 xildhibaan ay cabasho ka muujiyeen in magacyadooda lagu saxiixay mooshinka ayaga oo aan raali ka ahayn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dalka aysan ka jirin maxkamadda dastuuriga ah oo go’aan ka gaari lahayd sharci ahaanshaha mooshinka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in xildhibaanada ay tixgeliyeen baahida loo qabo xasilooni siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo, iyo sii wadista howlaha baarlamanka horyaala.

Xafiiska Gudoonka Baarlamnka ayaa u xaqiijiyay VOAda sax ahaanshaha warkan qoraalka ah ee ka soo baxay.

Hoos ka aqriso qoraalka guddoomiyaha

XS
SM
MD
LG