Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howlihii garoonka Gatwick ee London oo hakad galay


Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Gatwick oo ah kan labaad ee ugu mashquulka badan magaalada London ee dalka UK ayaa hakad la geliyay howlihiisii duulimaadka, kaddib marki la arkay dhowr diyaaradood oo ah kuwa aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drone-ka oo dul heehaabaya.

Arrintan ayaa dib u dhigtay duulimaadka kumannaan ruux oo meelo kala duwan uga safri lahaa fasaxa ciida masiixiga dartiis.

Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa booliska ayaa baaraya waxa ay yihiin diyaaradahan.

Maareeyaha garoonka Gatwick, Chris Woodroofe ayaa sheegay in muddo 24 saacadood oo kale ay hakad ku jiri doonaan howlaha garoonka, taasoo madax wareer ku ah in ka badan 150 kun oo rakaab ah oo tan iyo Arbacadi shalay ilaa Khamiista maanta ah la filayay in ay ka dhoofaan garoonka.

Qaanuunka Britain ayaa qaba inaanan diyaaradaha daroonka loo yaqaano aanan loo soo dhaweyn karin garoomada ay ka duulaan diyaaradaha madaniga masaafo dhan 1 km. Qofki ku xadguba sharcigaan ayaa waxa uu wajahayaa xabsi dhan shan sano.

Isha Warka: Reuters

XS
SM
MD
LG