Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku aadka koobka EFL-ka Ingiriiska


Tottenham Hotspur
Tottenham Hotspur

Waxaa la sameeyay isku aadka wareega semi-fnalka ee koobka EFL ee dalka Ingiriiska, kaddib marki xalay lasoo gaba gabeeyay wareega sideeda kooxood.

Koxda tartankan difaacaneysa ee Manchester City waxay rigoorayaal 3-1 uga soo badiysay Talaadadi kooxda Leicester City, waxay hadda isku beegmeen wareega afarta koox naadiga Burton oo ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Burton waxa iyaduna Talaadadi kasoo adkaatay Middlesbrough oo ay ku garaacday 1-0.
Kooxda Tottenham ayaa wajahi doonto Chelsea oo ay ay laba jeer isku arki doonaan wareega semi-fainalka ee tartanka bisha Janaayo ee foodda nagu soo heyso.

Tottenham, waxay xalay 2-0 uga badisay kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Arsenal ciyaar xalay ka dhacday magaalada London.Goolasha waxaa Tottenham u kala dhaliyay Heung-min iyo Dele Alli.

Kooxda ay hadda isku beegmeen ee Chelsea waxay xalay 1-0 ku garaacday Bournemouth. Goolka guusha waxaa aakhirki ciyaarta u saxiixay xiddigooda Hazard.

XS
SM
MD
LG