Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo Gaartay Finalka CWC


Gareth Bale
Gareth Bale

Real Madrid ayaa gaartay finalka Koobka Naadiyada Aduunka, kaddib marki ay 3-1 uga badisay kooxda Kashima Antlers ee dalka Japan.

Saddexda gool ee ay Real ku badisay waxaa u dhaliyay Gareth Bale, halka goolka kaliya ee Kashima Antlers uu saxiixay Shoma Doi dhamaadki ciyaarta.

Kooxda Real oo heysta horyaalnimada Yurub ayaa waxay finalka koobka naadiyada aduunka Sabtida magaalada Abu Dhabi kula ciyaari doontaa naadiga Al Ain FC ee ka dhisan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Haddii ay badiyaan waxay noqon doontaa in Real ay tartankani ku guuleysan doonto marki saddexaad oo xiriir ah.

Kooxda Al Ain ee magaalada Abu Dhabi, waxay si lama filaan ah uga soo badisay wareegi semi-finalka ee tartankan kooxda River Plate ee dalka Argentina oo difaacaneysa horyaalnimada tartanka naadiyada Latin America.

XS
SM
MD
LG