Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Mareykanka oo kasoo baxaya Syria


Trump on Syria
Trump on Syria

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria.

Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish.

Go’aanka oo si lama filaan ah ay uga war-heleen saraakiisha difaaca, diblomaasiyiinta iyo sharc-dejiyayaasha Mareykanka, ayaa Trump waxa uu ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay barta tiwtter-ka.

“Daacish waan uga adkaanay Syria” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Trump.

“Waxaan billownay inaan ciidamada Mareykanka dib ugu soo celino dalkooda, anaga oo u gudbi donna wejiga xiga ee ololaha” ayey tiri afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders, oo intaas ku dartay in guusha laga gaaray Daacish aanu macnaheedu ahayn in ciidamada isbahaysiga ay soo geba gebeynayaan ololaha milatari ee Syria.

Sidoo kale, afhayeenka Pentagon-ka, Dana White ayaa bayaan ku sheegtay in in ciidamada isbahaysiga ay Daacish ka xoreeyeen dhulalkii ay haysteen, hase yeeshee ololaha ka dhanka ah kooxdaas uusan dhammaan.


XS
SM
MD
LG