Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lafta-gareen oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed


Mudanayaasha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta doortay madaxweyne cusub, doorasho laga hor joogsaday, Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo ka mid ahaa murashixiinta u taagnaa xilkan.

Wasiiru Dowlihii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha ee dowladda Federalka, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa noqday madaxweynaha 2aad ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo wareegii 1aad 147 xildhibaan oo codkooda dhiibtay ka helay 101 ka mid ah, oo ah in ka badan laba meelood saddex meel codadka guud.

Sadex murashax oo kale ayaa kula baratameysay doorashada, waxaana kii ugu soo dhawaa oo ahaa Aden Saransoor uu helay 20 cod.

Lafta gareen oo hadal kooban jeediyay doorashada ka dib ayaa balanqaaday inuu wax ka qabanayo dhibaatooyinka ka jira Gobolka, isagoo shacabka koonfur galbeedna ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Dadka ka faalooda arrimaha gobolka ayaa horey u sii saadaaliyay in Lafta gareen uu doorashadan ku soo boxi doono, todobaadkii hore, markii doorashada laga reebay Mukhtaar Roobow cali, ku xigeenkii hore ee hogaanka ururka al-Shabab.

Robow ayaa qamiistii la soo dhaafay ka soo xiray magaalada Baydhabo ciidamada Amaanka Soomaaliya oo ay wehliyeen ciidamo Ethiopian ah, ka dibna waxaa loo duuliyay Muqdisho oo uu ku xiranyahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Roobow ku eedeysay inuu fulin waayay qaar ka mid ah shuruurdo lagu xiray markii uu dowladda isu soo dhiibayay sanadkii hore.

Waxey sheegtay dowladdu in weli ay saarantahay cunaqabateynta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxey sidoo kale ku eedeysay inuu halis ku yahay amaanka.

Rabsho ka dhashay xarigga roobow waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof magaalada Baydhabo. Waxaa dadka dhintay ku jiray mudane ka tirsan baarlamanka koonfur galbeed ee maanta doortay Lafta-gareen.

Robow waxa uu u soo goostay dowladda Soomaliya bishii Ogost ee sanadkii 2017kii, shan sanadood ka dib markii uu ka baxay al-shabab, ka idb markii uu muran soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiyihii al-Shabab ee xilligaa Axmed Cabdi Godane.

Doorashadan maanta oo Abaca ah dhacday ayaa ku dhacday si nabadgelyo ah, iyadoo amaanka magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa la arkayay iyagoo ku geedaaman halkii ay doorashadu ka dhaceysay iyo jidadka soo gala.

Qaar ka mid ah shacbka ku dhaqane magaalada Baydhabo iyo Muqdisho ayaa aratiyo kala duwan ka bixiyay doorashadan.

Qaar ayaa u arka mid ay afduubatay dowladda oo uu ku soo baxay siyaasi ay iyadu wadatay.

Halka kuwo kale ay soo dhaweeyeen oo ay u arkaan mid si xor ah oo xalaal ku dhacday.

XS
SM
MD
LG