Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo ka hadashay wada-hadallada Mareykanka


Taliban ayaa sheegtay in wada-hadallo socda oo ay la leedahay Mareykanka diiradda lagu saarayo oo kaliya sidii ciidamada ajnabiga looga saari lahaa dalka Afghanistan, islamarkaana wararka arrintaas ku duwan ay yihiin dacaayad.

Wada-hadallada oo saddex maalmood socda, islamarkaana ay marti-gelisay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lasoo geba gebeyn doonaa maanta.

Pakistan ayaa sheegtay inay agaasintay wada-hadalladan lala leeyahay kooxda Taliban, si ay Mareykanka uga caawiso qorshe uu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 17-ka sano socda ee Afghanistan.

Zalmay Khalilzad, oo ergeyga garaka ah ee dib u heshiisiinta Afghanistan, ayaa hoggaaminaya wada-hadalladan, oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka socota Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Pakistan.

“Wada-hadallo dhab ah ayaa ka socda Imaaraadka Carabta waxayna u dhaxeeyaan wakiiladda Imaaradda Islaamiga ah (Taliban) iyo Mareykanka, si loo soo geba-gebeeyo haysashada Afghanistan” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay Taliban, Zabihullah Mujahid.

XS
SM
MD
LG