Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo Ceyrisey Mourinho


Manchester United ayaa shaqadii ka erisay maamule Jose Mourinho, kadib laba sano iyo bar oo uu joogay Old Trafford.

Tababaraha reer Burtaqiis oo 55 jir ah ayaa United kula guuleystay koobabka League Cup iyo Europa League.

Balse waxay kala horreynta horyaalka Ingriiska ka joogaan kaalinta lixaad iyagoo 19 dhibcood ka hooseeya naadiga horyaalka hoggaamineysa ee Liverpool oo ay Axaddii sidoo kale guul darro 3 iyo 1 kala kulmeen.

Qof howsha sii wada ayay naadigu sheegtey inay dhawaan magacaabi doonaan, iyadoo xilli ciyaareedka marka uu dhammaado kadib ay tababare buuxda magacaabi doonto.

Manchester United ayaa siin doonta Mourinho lacag gaareysa 22.5 milyan oo pound maaddama ay qandaraaskiisa baabi'isey.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG