Magaalada Djibouti waxaa maanta lagu soo geba gebeeyey Madasha Aragtiwadaagga Soomaalida, oo uu soo qaban-qaabisay machadka daraasaddaka siyaasadda ee Heritage.
Madashan ayaa waxaa ka soo qeybgaley Soomaali ka badan 150 qof oo isugu jira, aqoonyahano, suxufiyiin iyo siyaasiyiin ka kala yimid dhammaan daafaha dunida.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayey danaha ka dhaxeeya dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee Geeska Afrika iyo horumarintooda.
Saddexdii maalmood ee uu shirka socday, ayaa dhowr guddi oo kala duwan waxa ay falanqeeyeeen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga gobolka Geeska Afrika, is-dhexgalka Soomaalida iyo waxa wada-qabsigooda, arrimaha dhaqaalaha, iyo ammaanka gobolka sidii loo sugi lahaa.
Guddi kasta oo ka koobnaa afar qof, ayaa marka ay soo gudbiyaan warbixintooda kadib, waxaa su’aalo weydiinayey dad gaaraya 150 qof oo shirka joogay.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa 12-kii duhurnimo ee maanta shirka soo xiray madaxweynaha Djibouti Ismaïl Omar Guelleh.
Dhowaan ayaan idin soo gudbin doonaa warbixin faah-faahsin oo ku saabsan xiritaanka shirka Insha Allah.
Wariyaha VOA-da Ramadan Muuse ayaa warbixintan inoo soo diray.