Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM: Lug kuma Lihin Qabashada Roobow


Howlgalka Midowga Africa ee Somalia, AMISOM ayaa maanta ka hadlay xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed. War-saxaafadeed ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa Ambassador Fransisco Madeira ayaa lagu sheegay in ciidanka AMISOM aanay wax lug ah ku lahayn xadhigii Mukhtar Roobow Abu-Mansuur iyo waliba soo gudbintii magaalada Muqdisho loo soo gudbiyay.

Beesha caalamka ayaa iyaduna war-saxaafadeed ay soo saartay waxaa lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed, waxayna ku baaqeen in la taageero habka lagu heshiiyay ee doorashada la filayo in halkaasi ay ka dhacdo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG