Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo laga wada saaray Syria


Syria Fighters
Syria Fighters

Koox la socota arrimaha dalka Syria ayaa sheegtay maanta in dagaal-yahannada Syria ee Mareykanka uu taageero ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada kaliya ee kooxda Daacish ay ka haysatay dalka Syria.

Kooxda la socoshada arrimaha xuquuqda aadanaha Syria ayaa sheegtay in kadib toddobaad dagaal xooggan iyo duqeymo dhinaca cirka ah ay kooxda Ciidamada dimoqraadiga Syria ee SDF ay Daacish ka saareen magaalada Hajin.

Hajin ayaa ka tirsan gobolka Deir Ezzor oo 30 km u jira xuduudda Syria ay la wadaagto dalka Ciraq.

17,000 oo dagaalyahan oo ka kooban isbaheysiga kurdida carabta ah iyo kooxda SDF ayaa ka shaqeeyey sidii Daacish looga saari lahaa magaaladan muhiimka ah, sida uu sheegay Abdel Rahman oo ah madaxa kooxda la socoshada arrimaha xuquuqda aadanaha.

XS
SM
MD
LG