Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhintay laba qof oo rayid ahna dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib mudaharaadyo rabshado wata oo maanta ka billowday magaalada Baydhabo.
Goobjoogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in geerida xildhibaan C/shakuur Yacquub Ibraahim ay timid kaddib markii ay ciidamada amniga maamulka Koonfur Galbeed isku dayeen in ay rasaas ku kala eryaan dadkii mudaaharaadayay.
Wariyaha VOA-da ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo warramaya in mudaaharaadyada oo ay soo abaabuleen shacabka Baydhabo uu wali kasii socdo gudaha magaalada.
Dadka ayaa dalbanaya in si dag dag ah xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ay shalay magaalada Baydhabo ka xireen ciidamo Itoobiyaan ah, loona gudbiyay magaalada Muqdisho oo uu hadda ku xiranyahay.
Mukhtar Roobow oo mar soo noqday ku xigeenka kooxda hogaamiyaha Al-Shabab ayaa hadda ah musharrax u taagan doorashada madaxtinimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay inuu jebiyay qodobo lagula heshiiyay marki uu isu soo dhiibayay dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulo isla markaana cambaareeyo falalka xagjirnimada ah iyo inuusan ku dhaqaaqin falal liddi ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Baydhabo.
Facebook Forum