Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Theresa May oo Xilka sii Haynaysa


.

Ra’iisal Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ka badbaadday cod kalsooni ah oo loo qaaday. Ms. May ayaa xilka sii joogi doonta, mar dambana aan la kulmi doonin loollan dhinaca hogaaminta ah ilaa muddo sanad ah.

May ayaa Arbacadii shalay heshay 200 oo ogolaatay iyo 117 diiday codadkii xisbigeeda Conservative-ka

Kulan albaabadu u xiran yihiin oo sharci dejiyeyaasha Conservative-ku ay yeesheen, ka hor intaan codka la dhiiban, ayaa May ay ka sheegay in xilka ay ka degi doonto ka hor doorashada la filayo in ay qabsoonto 2022, talaabadaas oo loo malaynayo inay ku caawisay inay hesho codadka sharci dejiyeyaashii aan markii go’aansan dhanka ay u codan lahaayeen, codbixintaas oo qarsoodi ahayd.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG