Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mursal "Mooshinka Farmaajo weli waa taagan yahay"


Maxamed Mursal

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in mooshinka laga gudbiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu weli taagan yahay.

Guddoomiyaha ayaa warqad uu soo saaray maanta ku sheegay in “mooshinka oo ay saxiixeen 92 xildhibaan” loo maareyn doono sida waafaqsan dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka baarlamanka .

Qoraalka ayaa soo baxay saacado un kadib markii guddoomiyaha uu ka guuray dhismaha uu deganaa oo ku dhex-yaalla Villa Somalia, oo uu degay dhisme ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warqadda uu maanta soo saaray guddoomiyaha, ayaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan waxa uu ka wareystay xildhibaan Axmed Maxamuud Sheekh oo ka mid ah xildhibaanaddii mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG