Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad siyaasadeed oo weli ka taagan Muqdisho


Maxamed Mursal
Maxamed Mursal

Maalintii afaraad ayaa waxaa oogan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshin xil ka qaadis madaxweyne oo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal.

Sharci ahaanshaha mooshinka iyo cadaadis la sheegay in gudoomiyaha baarlamanka la saaray ayaa hadda doodda ugu weyn ay ka taagan tahay.

Waxaa jira warqaddo iyo shirar ja’raaid oo dhinacayada siyaasadda isku hayaa ay isu marinayaan warbaahinta.

Waxaa ugu dambeeyay warqad la sheegay in maanta ay ka soo baxday gudoomiyaha baarlamanka oo lagu sheegay in moshinkii madaxweynaha laga soo gudbiyay si sharciga waafaqsan lagu xalin doono.

Warqaddan ayaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan waxa uu ka wareystay xildhibaan Axmed Maxamuud Sheekh oo ka mid ah xildhibaanaddii mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha.

Xiisad siyaasadeed oo weli ka taagan Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:45 0:00

XS
SM
MD
LG