Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meng Wanzhou oo dammaanad lagu daayay


Agaasimaha shirkadda Huawei Meng Wanzhou
Agaasimaha shirkadda Huawei Meng Wanzhou

Xaakim u dhashay dalka Canada ayaa Talaadadi shalay damaanad kusii daayay, Meng Wanzhou oo ah madaxa fulinta ee Shirkadda Huawei oo ah tan ugu weyn ee shirkadaha soo saara qalabka tiknoolojiyadda iyo is-gaarsiinta ee dalka Shiinaha.

Garsoore William Ehrcke ayaa Meng kusii daayay damanaad lacageed oo gaareysa 7.5 milyan oo doolarka Mareykanka ah, sidoo kale wuxuu sii deynteeda ku xiray sharuudo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay ku nagaato guri uu odaygeeda ku leeyahay gobolka British Columbia ee dalka Canada iyo in aysan ka bixi karin guriga inta u dhaxeysa 11-ka habeennimo ilaa 6-da xubaxnimo.

Sidoo kale kor ayaa lagala socon doonaa dhaq-dhaqaaqeeda 24-ka saacadood.

Booliska Canada ayaa Meng ka xiray eraboorka magaalada Vancouver, kadib codsi uga yimid Mareykanka oo raba in loo soo gacangeliyo.

Mareykanka wuxuu ku eedeeyay gabadhani u dhalatay dalka Shiinaha, in shirikadda ay madaxda ka tahah ee Huawei ay ku xadgudubtay cunaqabateynta ay Washington saartay Iran.

Shirkikadda ay maamusho Meng ayaa waxaa aas-aasay aabaheed, waana mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn caalamka ee soo saara telefoonada gacanta lagu qaato. Hantida qoyskeeda ayaa waxaa lagu qaddaraa balaayiin doollarka Mareykanka ah.

XS
SM
MD
LG