War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka lagu faray inay shaqadooda dib u bilaabaan, isla markaana ay soo dhameystiraan xisaab xirka 2017-ka iyo miisaaniyadda 2019-ka ka hor sanadka cusub.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka uu sheegay in guddigaasi la kala diray, arrintaas oo buuq siyaasadeed dhalisay.
Wariyehaan Nuur Xasan Nuur ayaa warsaxaafadeedka ka wareystay wariyeheena magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Facebook Forum