Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka soo xulista xubnaha Barlamaanka Puntland.
Magacaabistan ayaa imanaysa saacado kadib markii uu madaxweyne Cadbiwali Gaas uu soo magcaabay xubanahan oo kale.
Cabdixakiim Camey ayaa waraysi uu siiyey VOA-da ku sheegay in habraacii loo mari jiray guddidan laga leexday islamarkaana aan lagala tashan.
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa wareystay Camey.