Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad go'aan ka gaartay weriye la xiriiray Shirdoon


ISIS flag

Maxkamad ku taalla dalka Kanada ayaa ku xukuntay wariye lagu magacaabo Ben Makuch inuu xog uu ka hayo wiil Soomaali-Kanadiyan ah lagu magacaabo Faarax Maxamed Shirdoon oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ISIS uu la wadaago laamaha amniga.

Warbaahinta Kanada ayaa sheegtay in xukunka maxkamadda uu yahay mid ka hor imaanaya xoriyadda saxaafadda.

Faarax Maxamed Shirdoon ayaa deggenaa magaalada Calgary ee dalka Kanada, waxaana warar soo baxay sannadkii hore ay sheegeen inuu ku dhintay dalka Siiriya inkastoo ehelkiisu aysan taas si madaxbannaan u xaqiijin.

Haddaba Professor Xuseen Warsame oo bare ka ah jaamacadda Calgary ayaa rumeysan in arrinkan ay saameyn ku yeelan karto Soomaalida.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:41 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG