Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Xuska Maalinta HIV/AIDS


1da bisha December, maanta oo kale sanad kasta, waxaa dunidu u asteysatay in la is-xasuusiyo cudurka Aidska oo sabab u noqday dhimashada in ka badan 35 malyuun oo qof tan iyo sanaddii 1981kii, markii kiiskii ugu horeeyay laga helay ragga isku jinsiga ah ee isu galmooda Mareykanka.

Waxaa jira waddamo ku yaala qaaradda Africa oo uu cudurku si weyn ugu faafay oo ay ka mid ahaayeen South Africa, Uganda, Swaziland, Ghana, Zambia, Tanzania iyo kuwo kale.

Somaliland ayaa ka mid ahayd meelihii dadka lagaga wacyigeliyay xanuunkan, halkaas oo dadka xanuunkani uu haleelay ay ka cabanayaan takoor lagu hayo, kuwaas oo qaarkood faquuqa lagu hayaa uu u gudbay ubadkooda.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa la kulmay dadka xanuunkan la nool, waxaanu xaaladdooda ku eegayaa warbixintan uu hargeysa ka soo diray.

Dhageyso Maalinta HIV/AIDS
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:15 0:00

XS
SM
MD
LG