Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si weyn usoo dhoweeyey heshiiska baayac-mushtarka saddex-geesoodka ah ee uu la saxiixday hoggaamiyayaasha waddamada Mexico iyo Kanada maalintii shalay. Saxiixa heshiiskan ayaa ka dhacay magaalada Buenos Aires ee dalka Arjantiina oo uu ka furmay shir sannadeedka waddamada dhaqaalahooda ugu xooggan yahay dunida ee loo yaqaan G20.
Waraysi khaas ah oo uu siiyey Greta Van Susteren [Gareeta Vaan Susteran] oo ka tirsan VOA ayaa waxa uu sidoo kale Donald Trump kaga hadlay mowduucyo ballaadhan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha dunida, xiriirka Ruushka iyo Shiinaha iyo weliba xaaladda dhaqaale ee dalkan Maraykanka. Waxaa kale oo uu ka hadlay shrikadda babauurta samaysay ee General Motors ama GM oo xiraysa warshad babauurta samaysa oo ay shaqaale badan shaqadooda ku weynayaan.
Dhageyso waraysigan oo uu turjumay Haaruun Macruuf oo ay lasoo jeedinayso Caasha Ibraahim Aaden.