Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo dalbatay ciidamada NATO


Madaxweynaha dalka Ukrain Petro Poroshenko ayaa weydiistay Isbaheysiga NATO in ay u soo diraan maraakiib dagaal si ay uga caawiyaan dalkiisa ammaanka badda Azov.

Hadalka madaxweyne Poroshenko oo lagu daabacay wargeyska Bild ee kasoo baxa dalka Jarmalka ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad ka dhex aloosan Russia iyo Ukraine.

Khamiista maanta ahna, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dhexdhexaadiyo Ukraine iyo Russia.

Madaxweyne Erdogan ayaa khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyaasha labada dhinac. Wuxuu sheegay in uu sii wadi doono dadaallada uu ugu kala dab-qaadayo labada dhinac isla markaana uu madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka, Vladimir Putin iyo Donald Trump uu arrintan kala hadli doono marka ay isku arkaan shirka G-20 ee dalalka ugu dhaqaalaha sarreeyo caalamka.

Shirkaas ayaa 1-da bisha December ka furmi doona dalka Argentina.

XS
SM
MD
LG