Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Sharci ka dhan ah dagaalka Yemen oo la ansixiyey


US capitol congress

Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa arbacadii cod ah 63-37 ku ansixiyey in horey loo dhaqaajiyo sharci dhigaya in Mareykanka uu soo geba gebeeyo ku lug-lahaanshaha dagaalka Yemen ee Sacuudiga uu hogaamiyo.

Si kastaba codka ayaa noqon doona kaliya baaq, sababtoo ah hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ma aysan muujin inay doonayaan in sharciga la horgeeyo aqalka, si uu u meel maro.

Tallaabada senate-ka ayaa caddeyn u ah khilaaf sii ballaaranaya oo u dhaxeeya Aqalka Cad iyo sharci-dejiyayaasha Mareykanka oo ku saabsan Sacuudiga.

Laba bilood kadib markii la dilay suxufiga reer Sacuudi ee Jamaal Khaashuqji ayaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo iyo kan gaashaandhigga Jim Mattis waxa ay ku baaqeen in Mareykanka uu sii wado xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Riyadh, oo ay ka mid tahay in la taageero dagaalka Sacuudiga uu horkacayo ee Yemen

Si kastaba senator-ada labada xisbi ayaa ka carrooday in kulanka Mattis iyo Pompeo warbixinta looga dhageystay aan lagu soo darin agaasimaha CIA-da, Gina Haspel.

CIA-da ayaa la rumeysan yahay inay go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG