Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy Ahmed oo la kulmay xisbiyada mucaaradka


Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta la kulmay xubnaha 81-ka xisbi mucaarad ee dalkaas, si uu ugala hadlo hab dib u habeyn loogu sameyn karo hanaanka doorashada dalkaas, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Abiy Ahmed ayaa ka dhabeenaya ballan-qaadkiisa ah inuu furo saaxada siyaasadda dalkaas, oo muddo ay haysteen isbaheysiga uu ka tirsan yahay.

Abi Ahmed ayaa jaan rogay siyaasadda Itoobiya tan iyo markii uu xukunka yimid bishii April, isaga oo dalka kusoo dhoweeyey xubnaha mucaaradka iyo kooxihii gooni u goosadka ee dibad jooga ahaa, xabsiyada kasii daayey maxaabiis badan, islamarkaana madaxa guddiga doorashada u magacaabay mucaarad hore.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray isbeddelada loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashada soo socota ay noqoto mid xor iyo caddaalad ah, sida lagu sheegay qoraal uu xafiiskiisa soo dhigay twitter.

Isbaheysiga Itoobiya xukuma ee EPRDF oo Abiy uu ka tirsan yahay – Islmarkaana xulufo la ah reer galbeedka - ayaa haystay awoodda dalkaas tan iyo sanaddii 1991-kii. Kooxdan iyo xisbiyada ku xiran ayaa ku fadhiya dhammaan kuraasta baarlamanka.

Abiy ayaa toddobaadkii tegay waxa uu Birtukan Mideksa u magacaabay inay noqoto madaxa guddiga doorashada la qorsheeyey inay dhacdo 2020.

Birtukan Mideksa ayaa ka mid ah tobaneeyo xubno mucaarad ah oo la xiray kadib rabshadihii ka dhashay doorashadii 2005, markaasi oo isbaheysi mucaarad ah ay la loolameen isbaheysiga EPRDF, kadibna ka hor-yimaadeen guusha EPRDF.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa kulankan ka waraysatay Af-hayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo ka qaybgalay.

Abiy Ahmed oo la kulmay xisbiyada mucaaradka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00

XS
SM
MD
LG