Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maareeyaha garoonka Jowhar oo dilay xaaskiisa


Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in maareeyaha garoonka diyaarahada magaalada Jowhar uu xalay toogasho ku dilay xaaskiisa oo uur leh.

Dilka ayaa yimid kadib markii ay murmeen lamaanaha, sida ay VOA u sheegeen dad deris la ah.

Hawenedyada la dilay oo 32 jir aheyd ayaa lagu magacaabi jiray Jamiilo Sheekh Cali, waxaana dilkeeda loo adeegsaday bistoolad.

Ciidamada amniga ayaa isla markiiba gacanta ku dhigay eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Dheere

Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay uu xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha (UNODC) soo saaray warbixin sheegeysa in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah, kuwaas oo dilalkooda ay ka dambeeyaan xubin ka mid ah qoyskooda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG