Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo


Qarax Gaalkacyo

Ugu yaraan, 14 qof ayaa ku geeiryootay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax iyo weerar lagu qaaday xarunta Sheekh Cabdi Weli Sheekh Cali Cilmi Yare, oo ka mid ahaa culimada Suufida.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdi Weli Sheekh Cali Cilmi Yare, afar haween ah oo ka mdi ahaa xerta wadaadka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarka oo ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari Land Cruser ah, ayaa waxaa xigay iska hor imaad hubaysan oo u dhaxeeyay ilaalada goobta la waeerary oo ahayd xarun ay deganaayeen culimo Suufi ah iyo kooxdii weerarka soo qaadday.

Taliyaha ciidanka Danab ee Galmudug Cabdicasiis Cabdulllaahi Xogolf ayaa sheegay in lasoo gaba gabeeyay iska hor-imaadka u dhaxeeyey kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamdii howlgalka kala hor tagay, oo saacado qaatay.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo kasoo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG